Sida ay jiraan sharciyo muuqda oo xagga dunidan inoo muuqata ayey misna u jiraan sharciyo ruuxi ah oo xagga xiriirka aad la leedahay Ilaah.


1. Ilaah wuu ku JECELyahay wuxuuna noloshaada u hayaaQORSHE aad u wanaagsan.

JACAYLKA ILAAH

Ilaah intuu dunida jacayl u qabay ayuu siiyey Wiilkiisa keliya oo dhashay in mid kastoo isaga rumaystaa uusan lumin laakiinse uu lahaado nolosha weligeed ah.” (Yooxanaa 3:16)

QORSHAHA ILAAH

“Nabad baan idiinka tegayaa, nabaddaydana waan idin siinayaa, sida dunidu u siiso anigu idiin siin maayo. Qalbigiinnu yuusan murugoon, yuusanna biqin.” (Yooxanaa 14:27)

Sidee ayey ku dhacday in dadka badankoodu aysan ku nooleyn nolol nabadeed?

Sababtu waxay tahay…


2. Dadku waa DEMBI MIIRAN wayna ka LEEXDEEN Ilaah. Sidaas darteed, ma karaan inay ka qayb galaan jacaylka iyo qorshaha Ilaah.

DADKU WAA DEMBI MIIRAN

"Maxaa yeelay, dhammaan way wada dembaabeen oo gaadhi waayeen ammaanta Ilaah.” (Rooma 3:23)

Dadka waxaa loo abuuray in ay caabudaan Ilaah, hase yeeshee, way ku gaaloobeen Ilaah. Taas waxaa caddaynaya:

1. Waxay ku caasiyeen Ilaah

2. Waxay diideen jacaylkii iyo qorshihii Ilaah

3. Waxay diideen in ay qabsadaan xarigga Ilaah

DADKU ILAAH WAY KA LEEXDEEN

“Waayo. mushahaarada dembigu waa dhimashada” (dhimasho ruuxi ah). (Rooma 6:23)

Ilaah waa qoduus dadkuna waa dembi miiran. Runtii labadooda waxaa dhex taal buur weyn. Dadku waxay si aan kala go’id lahayn isugu dayayaan in ay xarigga Ilaah qabsadaan oo ay helaan nabad. Hase ahaatee, dadaalkooda oo dhammi oo waa hal bacaad lagu lisay.

Sharciga saddexaad ayaa inna tusaya jidkii aan guusha ku gaari lahayn.

3. Ciise Masiix of KELIYA waa kii inaga badbaadin karaa dembiyadeenna. Markaan Ciise Masiix raacno keliya ayaan ogaan karnaa jacaylka iyo qorshaha Ilaah u hayo nolosheenna.

INTII AAN DHIMAN LAHAYN AYUU INNOO DHINTAY

“Laakiinse Masiixu waa inoo dhintay intaynu weli dembiilayaal ahayn, oo sidaasuu Ilaah jacalkiisii inoogu muujiyey.” (Rooma 5:8)

WUXUU KA SOO SARA KACAY DHIMASHADII

“Maxaa yeelay, Masiixaba mar buu u xanuunsaday kuwa aan xaqa ahayn aawadood inuu inoo keeno Ilaah. Xagga jidhka waa laga dilay, laakiinse xagga ruuxa waa laga nooleeyey.” (1 Butros 3:18)

“Markuu xanuunsaday dabadeed, iyagii ayuu isagoo nool waxyaalo badan oo la hubo isugu muujiyey, oo muddo afartan maalmood ah ayuu iyagii u muuqday, oo kala hadlay waxyaalaha ku saabsan boqortooyada Ilaah.” (Falimaha Rasuullada 1:3)

Ilaah ayaa buurtii ina kala dhex tiil meeshii ka qaaday Masiixa kaddib markii uu inoo soo diray Wiilkiisii Ciise Masiix, si uu isku tallaabta beddilkeennii ugu dhinto si uu u bixiyo ciqaabtiidembigeenna.

Fadlan eeg: (I Korintos 15: 3-6, I Butros 2:24).

Innaguma filla saddexdaas sharci oo aan iska ogaanno.


4. Waa in aan si kal iyo laab ah oo niyad leh u RAACNAA Sayid Ciise Masiix oo aan u aqoonsannaa in uu yahay Badbaadiyaheenna, markaas ayaan ogaan karnaa jacaylka iyo qorshaha I1aah u hayo nolosheenna.

WAA IN AAN RAACNAA SAYID CIISE MASIIX

”Laakiin in alla intii aqbashay, wuxuu siiyey amar ay carruurtii Ilaah ku noqdaan, kuwaasu waa kuwii magiciisa rumaystay.” (Yooxanaa I:12)

CIISE MASIIX WAXAAN KU RAACNAA RUMAYSAD

”Waayo, idinku waxaad ku badbaaddeen nimco xagga rumaysadka, mana aha wax xaggiinna ka yimid laakiinse waa hadiyadda Ilaah, mana aha xagga shuqullada, si aan ninna ugu faanin.” (Efesos 2:8-9)

CIISE MASIIX WAA IN AAN SI NIYAD AH KU RAACNAA

”Bal eeg, albaabkaan taaganahay oo garaacayaa; haddaba haddii nin codkayga maqlo oo albaabka iga furo, waan soo gelayaa.” (Muujintii 3:20)


FADLAN, HADDA RAAC MASIIXA

Weydiiso Sayid Ciise Masiix in aad doonayso imminka in aad raacdo. Waxaad yeelan doontaa nabad iyo nolol sugan adduun iyo aakhiraba. Sayid Ciise Masiix raacitaankiisa sidan ugu dhawaaq oo u dheh si kal iyo laab ah oo rumaysad leh:

"Sayid Ciise Masiixow waxaan doonayaa imminka inaan si kal iyo laab ah oo rumaysad leh kuu raaco. Waxaad saliibka ugu dhimatay dembiyadayda aawadood waanan kaaga xamdi naqayaa taas. Fadlan. Niyaddayda waan kuu furay waanan ku raacayaa waayo waxaan rumaystay in aad tahay Badbaadiyahayga iyo Sayidkayga. Waxaan kaaga mahadnaqayaa dembi-dhaafka iyo nolosha daa`imiska ah. Noloshayda hag oo i hoggaami."

Ducadaasi niyad ma kaa tahay?

Haddii ay haa tahay , Sayid Ciise Masiix ayaad raacday isna wuu ku aqbalay sidii uu horayba u ballan qaaday.


ADDITIONAL ASSISTANCE